U bood dhigaalka

K/galbeed: Dad Badan Oo La Il Daran Abaar Iyo Shuban Biyood

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka deyriyey xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada maamulkaasi, iyaga oo ku baaqay in dadkaasi lala gaaro gurmad degdeg ah.

Xildhibaan C/laahi Isaaq oo kamid ah guddigan ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ay isugu darsameen abaar iyo sidoo kale cudurka shuban biyoodka.

Meelaha ugu daran ayuu sheegay iney ka tirsan yihiin gobollada Baay iyo Bakool, wuxuuna sheegay in maalin walbo guddigooda ay dedaal xooggan bixiyaan.

Biyo la’aan baahsan ayuu sheegay iney ka jirto deegaannada maamulkaasi, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in cudurka shuban biyoodka uu ku faafay deegaanno hor leh.

“Walaalow dadku waxay u baahan yihiin in loo gurmado, abaartii oo jirtey ayaa waxaa kusoo darsamay cudurka shuban biyoodka, waxay dadku rabaan iney helaan gurmad caafimaad, biyo iyo raashiin intaba, annaga maalin walbo dawo qeybin iyo biyo dhaamin baan wadnaa, hadde gurmad in la helana waa lama huraan” ayuu yiri xildhibaan C/laahi.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn weyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo meelaha qaar dadka ku dhaqan aaney weli helin gurmad.

Goobjoog News