U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Xalay Ee Al-shabaab Ku Qaadeen Maqaayadda Banaadir Beach

Sheeko:Dalka

Rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar isugu jira qarax Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen maqaayadda Banaadir Beach oo ku taallaa xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Marka hore gaari qarax loo adeegsaday ayaa lagu qarxiyey bannaaanka kore ee maqaayadda, waxaana kadib xigay rag hubeysan oo gudaha maqaayaddaasi galay.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay 9 qof oo shacab u badan iyadoo dhaawacna uu jiro.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa xeebta Liido ayaa sheegay in qaraxa Ismiidaaminta ah kahor ay maqleen rasaas u muuqatay mid gaariga lagu eryanayo kadibna qaraxa uu dhacay.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi oo wareysi siiyay wakaaladda Qaranka Soomaaaliyeed (SONNA) ayaa sheegay in dadka dhintay 5 ka mid ah ahaayeen Shacab, 2 askari oo dowladda ah, Labo qof oo ka mid ah raggii weerarka qaaday, isaga oo sidoo kale sheegay in ay gacanta ku hayaan mid ka mid ah raggii weerarka fuliyay isaga oo dhaawac ah haatanna la daweynayo.

Ciidamada Gaashaan ee dowladda Soomaaliya oo iyagu halkaasi gaaray ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyeen dhallinyaro badan oo ku sugneyd maqaayadda kuwaasi oo halkaa go’doon ku ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, taliyaha ciidanka Nabad sugidda C/laahi Gaaafow iyo saraakiil kale ayaa booqday halka weerarka uu ku dhacay, soona xog wareystay xaaladda dadkii lasoo badbaadiyey.

Xarakada Al-shabaab ayaaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi.

11 10 009 008 007 006 005 004 003 002 001

 

Goobjoog News