U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Roob Ka Da’ay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay roob wata Dabaylo oo ka da’ay deeganno ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno dhaca galbeedka gobolkaasi.

Roobkan ayaa waxaa ka dhashay fatahaad sababtay in deegaanno badan oo ku yaalla Hiiraan ay sal kiciyaan, waxaana halkaasi ku dhammaaday xoolo, waxaana burburay guryo badan.

C/qaadir Cumar Cabdulle oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan Galbeedka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News in xaaladda ay tahay mid halis ah, islamarkaana carruurtii ay saareen geedo korkooda.

Deegaannada ugu daran ayuu magacyadooda ku sheegay Xudo-wogle iyo Maxamuud Gacal, waxaana kusoo fatahay waro biyoodyo ku yaalla deegannadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

“Walaalow roobkii noo da’ay waxaa ka dhashay fatahaad, waxaa nagu soo rogmaday Waro biyoodyo 5 ah, waxaa naga dhammaaday xoolihii, sidoo kale waxay dadka dul saaran yihiin geedaha, waana markii ugu horreysay oo dhacdo sidan ah na qabsato, dadka xaaladoodu wey liidataa gurmad badbaadin ah baan u baahannahay” ayuu yiri C/qaadir.

Deegannada roobabkani ay saameeyeen waxaa horay uga jiray abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News