U bood dhigaalka

Koofur Africka Oo Bilowday Hanaanka Ay Uga Baxeyso Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah.

Sheeko:Dalka

Warbaahinta ayaa ku warrameyso iney koonfur Africa ay  bilowday hanaankii ay kaga bixi lahayd  maxkamadda Denbiyada caalamiga ah ee  ICC.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan iney diblomaasiyiinta wadankaasi  ay ku wargaliyen qaramada midoobay tallbadaan ay koonfur Africa ay kaga baxaseyso  maxkamadda ICC-da ka dib markii ay ku eedeysay  in ICC-da ka xagliso wadamada Africa.

Madaxda  dalka koonfur Africa ayaa diidey sanadkii hore  in la xiro madaxweynha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir kaasi ay doon dooneysay maxkamdda denbiyada caalamiga ah ee Iccda ka dib markii ay ku eedeysay  Albashiir inuu lug ku leeyahy  gumaad iyo danbiyo dagaal oo ka dhacay wadanka suudaan gaar ahaan  gobolka daafuur ee galbeedka wadankaasi

Dhanka kale madaxweyne Albashiir ayaa iska fogeeyey eedeyntaas waxa uuna sheegay inuusan lug ku laheyn danbiyo dagaal oo ka dhacay wadanka suudaan gaar ahaan gobolka daafuur oo dagaalo ay ka dhaceen.

Midowga  Africa ayaa horey u dhaliilay maxkamdda danbiyada caalamiga ah ee ICCda iyagoo ku eedeyey iney ka xagliso wadamada Africa .

Maxakmadaan ayaa waxaa la aas aasay sanadkii  sanadkii 2012 waxaana xubin ka ah  124 dowladood waxaana maxkamdii ugu horeysay oo dabagasha danbiyada ka dhanka ah biniaadanimada.