U bood dhigaalka

Koox Hubeysan Oo Nabadoon Ku Dishay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dableey bastoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Yaaqshiid ee magaaladani Muqdisho ku dilay mid kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Nabadoon Muxumed Tarabi Shiiqow.

Dadka degaanka ayaan ka soo xiganay in koox bastoolado ku hubeysan ay dishay nabadoonka kadibna ay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen.

Nabadoon Tarabi Shiiqow ayaa ku jirey da’ da siddeetameeyada waxaana uu ahaa oday waayeel ah.

Wararka qaar oo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Nabadoonka uu kamid ahaa odayaasha soo xulaya ergada soo dooranaysa baarlamaanka cusub ee soo socda sanadkaan 2016-ka.

Dilka loo geystay xalay nabadoon Muxumed Tarabi Shiiqow ayaa qeyb ka noqonaya dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ee loo geysanayo waxgarada iyo nabadoonnada.

Horey degmooyin kamid ah Muqdisho waxaa uga dhacay dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday nabadoonno.

Goobjoog News