U bood dhigaalka

Labo Askari Oo Xalay Lagu Diley B/weyne

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in askartan lagu dilay xaafadda Buundoweyn ee magaalada B/weyne, islamarkaana ay halkaasi ka baxsadeen raggii dilka ka dambeeyey.

Dilkaasi kadib waxaa goobta gaarey ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi howlgallo ka sameeyey.

Maamulka magaalada B/weyne iyo taliska ciidanka Booliiska ee magaaladaasi weli wax faah faahin ah kama aaney bixin dilka loo geystay askartan.

Magaalada B/weyne ayaa mararka qaar waxaa sidan oo kale uga dhaca dilalka qorsheysan, xilli ciidamada ammaanka ay habeen iyo maalin magaaladaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News