U bood dhigaalka

Maamul Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Ceelwaaq, Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa maamul cusub maanta u magacaabay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, koonfurta Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Koowaad maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo waayadii dambe ku sugnaa degmadaasi ayaa soo gebogabeeyay wada hadallo ay la lahaayeen waxgaradka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisan ku wehlinaya wasiiru dowlaha ammaanka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil iyo guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Muxumed iyo wasiirro kale oo Jubbaland ka tirsan.

Maamulka Jubbaland ayaa maamulka cusub ee uu u magacaabay degmada Ceelwaaq ayaa wuxuu ka kooban yahay 15 xubin.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq waxaa loo magacaabay Ibraahim Guuleed oo horayna u ahaa halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Sahal Macallin Aadan.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa intaas kadib u dhaqaaqay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo halkaas oo iyana maalmahan uu ka taagnaa muran xagga maamulka ah.

Goobjoog News