U bood dhigaalka

Maamulka Degaanka Leego Oo Sheegay In Ay Diyaariyeen Ciidan Ka Difaaca Weerarada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidamo amniga suga, islamarkaana ka hortaga weerarada ka yimaada Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga deegaanka uu yahay mid deggan, islamarkaana ciidanka ay hadda geeyeen deegaannada ku dhow deegaankooda si ay Al-shabaab uga hortagaan.

“Ciidamo xooggan ayaa jooga oo dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ah, annaga waan is difaaceynaa Al-shabaabna sidaasi wey ogyihiin, mana nagu soo degdegi karaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale Guddoomiye Isaaq ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanka Leego u baahan yihiin gurmad dhanka bini’aadannimada ah, isaga oo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ah in dadkaasi usoo gurmadaan.

Deegaanka Leego ee Shabellaha Hoose, waxaa marar badan weeraro ka geystay Xarakada Al-shabaab, iyadoo halkaasi fariisin weyn ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News