U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa guul ka sheegtay dagaal ay duleedka degmadaasi kula galeen Xarakada Al-shabaab.

Cali Xasan Cabdi oo ah gudoomiyaha degmada Buurhakaba oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalkaasi ay qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, islamarkaana ay ka guuleysteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha inay dileen rag ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay saacad ku sugnaayeen deegaankii lagu dagaallamay oo qiyaas ahaan 10 km u jirta degmada Buurhakaba.

“Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa howlgalkani iska kaashanayay, waxaan weerar ku qaadnay deegaan ku dhaw degmada Buurhakaba oo nabad diidka fariisin xooggan ku lahaayeen, ciidankuna wey ku guuleysteen halkii lagu dagaallamay, annaga khasaare badan nama soo gaarin” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaankii lagu dagaallamay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi dib uga soo laabteen, iyadoo xaaladda guudna ay tahay mid aad u deggan.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalkaasi dhacay, khasaaraha soo gaaray iyo waliba in deegaankaasi laga qabsaday.

Goobjoog News