U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Gargaar U Qeybiyay Dadkii Ka Barakacay Dagaallada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa todobaadyadii la soo dhaafay isaga barakacay kumanaan shacab ah oo ka cararay colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Dadkani ayaa ku barakacay degaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay kamid yihiin Xaarxaar, Docol iyo degaannada Bari ee gobolkaasi.

Dadkaas oo intooda badan dhanka Koonfureed ee magaalada ka barakacay waxaa xiligani heysta xaalado dhanka nolosha ah oo aad u daran.

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo ay kamid yihiin wasiirka gargaarka Shire Maxamed Xirsi iyo wasiiru dowlaha dowladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye iyo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa dadkaasi gaarsiiyay gurmad aan badnayn.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in gurmadkani la gaarsiinayo dadkii barakacay in uu ka yimid Turkiga iyo hay’ad kale oo ka howlgasha magaalada Gaalkacyo.

Wasiiru dowlaha ayaa ha’adaha ka codsaday in ay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan dadka shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalka Gaalkacyo.

Dhanka kale, wasiirka gargaarka Galmudug Shire Maxamed Xirsi ayaa maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa u jeediyay inay joojiyaan colaadda oo ay u turaan dadka shacabka ah.

Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Barre Yuusuf ayaa si adag isna uga hadlay xaaladda ay dadka ku nool yihiin islamarkaana sheegay in ay ka xun yihiin in dadkii reer Gaalkacyo ay bannaanka ku tacdareysan yihiin.

Gargaarka la gaarsiiyay dadkii ka barakacay dagaallada Gaalkacyo ayaa ah mid aan ku filneyn marka loo eego baahiyaha ay dadkaasi qabaan xilligani.

Goobjoog News