U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Mamnuucay In La Qabto Shirar Aanu Maamulka Fasixin

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in wax shir ah oo aanay ka warqabin maamulkooda lagu qaban karin hoteellada iyo goobaha xafladaha lagu qabto ee ku yaalla magaalada Baladweyn.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in tallaab adag laga qaadi doono, awoodna loo adeegsan doono cid walbo oo hareer marta amarkaan kasoo baxay maamulka Hiiraan.

“Shir aan naloo soo sheegin waxa looga hadlaa, meesha lagu qabanaa iyo saacadda laqabanaa naloo sheegin, amnigiisana annaga wakiil ka ahayn, annaga waan diideynaa waana kahor tageynaa, annaga wax walbo oo macquul ah waan ogolnahay, dadka in danahooda ka hadlaan waan ogolnahay, laakiin ma yeeli donno in annaga oo aan ogeyn bulshada la isku keenno, reer Hiiraan gobolkaan waa uu naga dhaxeeyaa, waxaan ku wada joogi karnaa, ku wada seexan karnaa nabad markii la helo, annaga wareegto ayaan horay usoo saarnay annaga oo uga jeedno inaan sugno bulshadaan aan mas’uulka ka nahay amnigeeda, dad badan ayaa si kale u turjumay amaradeena oo waxay dheheen dadka ayaa la caburinaa” ayuu yiri Dabageed.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaasi in ay kaalin ka qaataan ka shaqeynta amniga iyo la shaqeynta maamulkaasi.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli magaalada Baladweyne ay ku sugan yihiin siyaasiyiin iyo musharrxiin badi raadinaya kamid noqoshada xildhibaannada baarlamaanka Ferdeelka ee soo socda.

Goobjoog News