U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Ku Xirnaa Xabsiga Jowhar

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga kasii daayey Sagaal ka mid ah maxaabiis ku jirtay Xabsiga Magaalada Jowhar  kadib  cafis maamulka uu u fidiyay Maxaabiistaasi.

Waxa uu maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ku sheegay siideysmada maxaabiistan inay kala jeedaan sidii ay si farxad leh ay ehladooda ula ciidi lahaayeen.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in ay ahaayeen maxaabiis Dambiyo fudu galay.

“Farxadda ciidda awgeed ayuu maamulka gobolka Shabellaha dhexe gartay in lasii daayo 9 maxaabiis oo ku eedeysnaa dambiyo ayar yar” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale xabsiga degmada Jowhar waxaa ku jira maxaabiis kale oo iyaguna loo heysto dambiyo kala duwan.

Goobjoog News