U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan: “Xaalado Adag Oo Nolosha Ah Ayaa Gobolka Ka Jira”

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatooyin xilligani heysta dad barakacayaal ah oo ka soo hayaamay degaanno kamid ah gobolka Galgaduud inay ku tacdareysan yihiin gobolkaasi Hiiraan.

Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan oo la hadlay Goobjoog News Axmed Cismaan Cabdalla ayaa sheegay in xaalad nolal xumo ay ku jiraan barakacayaashani oo hadda degaansanaya magaalada Baladweyne iyo degaanno kale oo gobolka Hiiraan ka tirsan.

Dadkani hadda ma heli karaan biyo iyo baad midna waxaana ugu daran xannuuno ka dillaacay degaannada ay ku sugan yihiin kuwaasoo ka dhashay nadaafad darrada.

Guddoomiyaha oo ka deyriyay xaaladda nololeed ee qoysaskani ayaa sheegay in ka maamul ahaan wixii ay karaan ay ku taakuleynayaan dadkaasi.

Qoysaskaan oo colaado kaga soo cararay degaannadii ay degaansanayeen ayaa waxaa maamulka uu ku baaqay in la soo gargaaro. Wuxuuna sheegay in codsigaasi ay gaarsiiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Hay’adaha ayuu ku dhaliilay waxqabad la’aan wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in dadkaasi ay helaan gargaarn beni’aadanimo.

Ugu dambeyn, guddoomiye xigeenka ayaa sheegay in dowladda iyo hay’adaha samafalka uu ugu baaqayo inay soo gargaaraan dadkaas.

Goobjoog News