U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Sheegay In Howlgallada Ciidanka Ay Saameyeen Qoysas Badan

Sheeko:Dalka

Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan oo ka hadlayay xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku sugan gobolkaasi ayaa soo hadal qaaday howlgallada ciidan ee ka socda degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in loo baahan yahay in gurmad beni’aadanimo ay helaan dadka shacabka ahi ee ku nool degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dadkaan ayaa ka soo barakacay degaanno kamid ah gobolka Galgaduud kuwaasoo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Alshabaab.

Guddoomiye xigeenka Hiiraan ayaa ciidanka dowladda iyo AMISOM ugu baaqay in aysan tegin meelaha aysan awood ay ku joogaan ay lahayn.

Wuxuu sheegay in ciidanka ay qabsanayaan degaanno islamarkaana ay dib kaga soo laabanayaan taasna iminka ay culeys ku tahay nolosha dadka shacabka ah.

Isla degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ciidamada dowladda iyo AMISOM ay isaga baxeen kuwaasoo dadka shacabka ah howlgalladaasi iyo xaaladaasi kala duwan saameyn ay ku yeelatay noloshooda.

Kumanaan qoys ayaa gaaray magaalada Baladweyne iyo degaanno kale oo gobolka Hiiraan ka tirsan kuwaasoo ka soo hayaamay degaannada ay colaadaha ka jiraan.

Goobjoog News