U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Baaq u Diray Galmudug Iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa baaq nabadeed u diray maamullada Puntland iyo Galmudug oo ciidankooda ku dagaallamayaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin dagaallada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay Labadaasi maamul iney nabadda qaataan.

Wuxuu sheegay in dagaallada Gaalkacyo ay keenayaan oo kaliya dhibaato soo gaarto dadka shacabka ah, islamarkaana la doonayo hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo  Puntland iney ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadka.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Hirshabelle waxaan baaq u dirayaa maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaan leeyahay hala joojiyo dagaallada Gaalkacyo, dadka waa walaalo, meel ay kala tagayaan ma jirto, markii ay dadka dhammaadaan oo hantida burburto in la heshiiyo waxaa ka wanaagsan in haddaba nabadda la qaato” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Sidoo kale Guudlaawe ayaa ugu baaqay waxgaradka Soomaaliyeed in kaalin ay ka qaataan nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo iyo sidoo loo heshiisiin  lahaa dhinacyada ku dagaallamaya magaaladaasi.

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo weli xiisad laga dareemayo magaaladaasi.

Goobjoog News