U bood dhigaalka

Maamulka Israel Oo Duqeyn Ka Wada Gaza

Sheeko:Dalka

Diyaaradaha maamulka Israel ayaa waxaa ay duqeyn ka geysteen dhowr goobood oo ay ku sheegeen in ururka Xamas ku sugnaayeen.

Maamulka Israel ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in goobaha ay la beegsadeen duqeynta ay ka mid yihiin meel lagu sameeyo hubka,  laguna keydiyo rasaasta kadib markii ay ku soo weerareen falastiiniyiin hubeysan gantaallo.

Ugu yaraan 2 qof oo Falastiin ah ayaa ku dhimatay halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen duqeyntaas ay Israel geysatay.

Tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Turmp uu ku dhawaaqay in Qudus ay caasimad u tahay Maamulka Israel ayaa waxaa dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya Irael iyo Falastiin kuwaasi oo keenay in waxyeello ay soo gaarto qaar ka mida dadka reer falastiin.

Sidoo kale dibabaxyo lagu diidanyahay hadalkii Trump ayaa waxay ka dhaceen magaalooyin badan oo dunida ka mida kuwaas oo lagu cambaareynayo in Israel ay caasimad ka dhigato Qudus.

Goobjoog News