U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Cadaado Oo Amarro Cusub Ka Soo Saaray Musharrixiinta Ku Sii Qulqulaya Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maalmihii dambe waxaa degaannada Galmudug ku sii qulqulayay xubnaha musharrixiinta ah ee u loolamaya ka mid noqoshada baarlamaanka dowladda cusub kuwaas oo soo dhoweyn iyo kulamo loogu qabanayay degaannada ay tagayeen.

Maamulka magaalada Cadaado  ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo saaray amarro cusub oo ku aadan musharrixiinta soo gaaraya magaaladaasi.

Guddoomiyaha Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in aan la ogalaan doonin in la sameeyo isu soo bax ama soo dhoweyn musharrax loo sameeyo oo maamulka uusan ka war heyn.

Sababo ammaan ayuu tilmaamay guddoomiyaha in loo soo saaray ammarada cusub islamarkaana ciddii ka hor timaada ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

“Magaalada olole soo dhoweyn oo aan ka warqabin maamulka degmada lama sameyn karo, musharrax xildhibaan waxba looma sameyn karo iyo mid kaleba” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Cadaado.

Magaalada Cadaado oo hadda ah xarunta KMG ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa qorshaha uu yahay in dhowaan lagu soo xulo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya beelaha Galmudug ee baarlamaanka federaalka ee dowladda dhexe.

Goobjoog News