U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Tuurey Saldhig Ay Ciidanka AMISOM Ku Leeyihiin Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay saakay madaafiic ku tuureen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen in saldhiggaasi ay ku dhaceen in ka badan 5 madfac oo Al-shabaab soo tuureen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan, waxaana sidoo kale jirtay madaafiic ku dhacday xaafado ay ku sugnaayeen dad shacab ah, walow aaney khasaare geysan.

Al-shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi madaafiicda ah, waxayna tilmaameen in waxyeello ay kasoo gaartey askar ka tirsan AMISOM.

Dhinaca kale saraakiisha AMISOM ee gobolka Shabellaha Dhexe wax war ah kama aaney soo saarin saldhiggooda la duqeeyey iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaarey.

Goobjoog News