U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi La Socda Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka soo ambabaxay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkiisa ayaa hadda gaaray magaalada Jowhar.

Madaxweyne Guuleed ayaa Jowhar kaga qeyb galaya xafladda caleema saarka ee madaxweynaha Hirshabeelle iyadoo uu halkaas kaga sii horreeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Wafdiga Madaxweyne Cabdikariin Guuleed uu hoggaaminayo waxaa kamid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Salaad, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, xubin ka tirsan aqalka sare xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi.

Guuleed ayaa dhowaan magaalada Jowhar xafladdani caleema saarka ka hor kaga qeyb galay doorashadii madaxweynenimo ee maamulka Hirshabeelle oo uu ku guuleystay Cali Cabdullaahi Cosoble.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

wafdiga-guuleed-ee-jowhar-5 wafdiga-guuleed-ee-jowhar-6 wafdiga-guuleed-ee-jowhar-1 wafdiga-guuleed-ee-jowhar-2 wafdiga-guuleed-ee-jowhar-3 wafdiga-guuleed-ee-jowhar-4

Goobjoog News