U bood dhigaalka

Madaxweynaha Iran oo Sacuudiga Ugu Baaqay In Ay Joojiyaan Taageerada Argigixisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa ku eedeeyay dalka Sacuudiga in ay taageeraan argigixiso uu sheegay in ay joogaan dalka Yemen.

Sida uu ku waramayo Telefishinka ku hadla afka Tahran madaxweynaha waxaa uu Sacuudiga ku yri: “Taageerada Sacuudiga ay siiyaan argigixisada Yemen iyo Suuriya ayaa hortaagan xiriir caadi ah oo labada dal dhex mara”.

Dalalka Sacuudiga iyo Iran waxaa ay ku loolamaan qadiyado badan oo ka taagan bariga dhexe sida Yemen, Syria, Iraq iyo Lebanon.

Arrinta Yemen waxaa ay soo baxday markii Xuutiyiinta ay qabsadeen Caasimadda Yemen ee Sanca, Bilo kadib waxaa weerar ku qaaday xulufo 10 dal uu Sacuudiga hoggaminayo.

Goobjoog News