U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland Oo Shaaciyay Waqti Ay Billaabayaan Howlgalka Wabiga Jubba Ee Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ugu horeen waxa uu sharaxaad ka bixiyay safar uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in shirar ay lasoo yeesheen madaxda dalalkaasi oo ay kala soo hadleen arrimo ku aadan amniga, iyo sidoo kale arrimaha madasha wadatashiga iyo hiigsiga 2016.

Dhammaan safaradaasi ayuu sheegay in uu guul kusoo dhamaadeen, waxaana uu tilmaamay in xilligaan ay diyaar garow ugu jiraan shirka  la filayo in 10-ka bishaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Sanadkaan billawday ee 2016 ayuu sheegay Axmed Madoobe inay rajeynayaan inuu noqdo sanad isbedal u yimaada Soomaalida ay yaraadaan dhibaatooyinka dalka ka jira, islamarkaana uu noqdo mid taariikhda meel u gala.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay kasoo wada hadleen si gaar ah howlgalka Wabiga Jubba oo uu sheegay in bishaan aynu ku guda jirno (January) ka billaabmi doono deegaanada maamulka Jubbaland uu ka arrimiyo, kaaso oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News