U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maaamulka Khaatumo Oo Saacado Loo Qabtay Inuu Uga Baxo Degmada Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada la magac baxay difaaca Buuhoodle ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxay ku amreen madaxweynaha maamulkaa Khaatumo Cali Khaliif Galeyr in 24-saac uga baxo degmadaasi.

Waxay sheegeen saraakiishaan in Galeyr uu ka wado Buuhoodle abaabul ah wada hadal lala yeesho maamulka  Somaliland, sidaa darteedna aanay aqbali doonin in magaalada uu sii joogo.

“Annaga oo ah ciidamada difaaca Buuhoodle, waxaan caddeynaynaa in aan raali ka ahayn siyaasadda Cali Khaliif Galeyr, marar badan baan ka diidnay siyaasaddaasi, laaakiinse maanta waxaa la helay caddeyn ah in wada hadal uu la galayo Somaliland, sidaa darteed waxaan Galeyr u sheegaynaa in 24-saac uu degmada Buuhoodle uga baxo” sidaasi waxaa yiri C/fitaax Geesdiid oo ka mid ah saraakiishii ku kulmay Buuhoodle.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in haddii aan Cali Khaliif iyo inta la socotaba aanay 24-saac uga bixin Buuhoodle ay arrintu gacan ka hadal isku bedali doonto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr weli kama aanu hadal ammarkaan lagu siiyey inuu ka baxo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Waxaa jiray maalmahan dambe hadal heyn ah in wada hadal u billowday maamulka Khaatumo iyo Somaliland, waxayna taasi ay keentay qalqal siaasadeed ka billowday gobollada Sool iyo Sanaag.

Goobjoog News