U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Khaliif oo Ka Hadlay Wadahadalkii Ay La Galeen Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Pro Cali Khaliif Galayr  oo ka hadlay wadahadal dhawaan magaalada Caynabo ee gobolka Sool ku dhex maray masuuliyin ka kala  socotay Khaatumo iyo Somaliland, ayaa sheegay inay khaatumo ahaan soo dhaweynayaan in ay Somaliland wadahadal la furaan.

Cali Khaliif oo aan faahfaahin qodobada gundhigga u ah wadahadalka labada dhinac, ayaa waxa uu magaalad Buuhoodle kula hadlay warbaahinta una sheegay in nabad laga gaaro ay sal u tahay arrimaha ay Somaliland iyo Khaatumo  isku hayaan  oo laga wadahadlo;  “wadahdal bilaw ah ayaa meeshaas ka soo baxay, hadal aad iyo aad u fiican iyo dood aanu kaga wadahadlayno danahayaga naga dhexeeya iyo inta badan ee aanu anagu gaar u leenahay, hadalkaasu wuu noo bilaabmay waananu u ballansanahay in wadahadallo kale Khaatumo iyo Somaliland ay gali doonaan dan gaar ah oo ay Khaatumo ka wadataa majirto” ayuu yidhi Madaxweyne Cali Khaliif.

Cali Khaliif ayaa sidoo kale sheegay inay mar kasta ka masuul yihiin shacabka Khaatumo ee uu xilka u hayo waxaanu sheegay inay maamul ahaan ka go’an tahay meel marinta nabadda iyo deganaanshiyaha ee deegaanada Khaatumo waxaanu yidhi, ” shacabka Khaatumo meel ay joogaanba waa kuwii xilka nagu aaminay ee na doortay markasta waxay naga filanayaan inaanu danahooda ka shaqayno”.

Geesta kale;  guddoomiyaha  baarlamaanka Khaatumo mudane Axmed Cumar Xasan aya sheegay in ay Khaatumo siyaasadeedu dhigayso inay hadba wajigii ay horumar u aragto iney talaabo ahaan u qaaddo  guddoomiyaha  oo  hadlay ayaa yidhi” waxaanu markasta u ballanqaadaynaa  in aanu markasta wax idiin dan ah naga filanaysaan, Khaatumo haddii ay fikirtay saddex dawladood dagaalkooda ma awooddo waxaanu wadahadalka ka bilawnay Somaliland oo xabadi naga dhaxaysay “, hadalkan guddoomiyaha ayaa ka soo horjeeda mid uu dhawaan jeediyay, kaas oo uga soo horjeeday wadahadalka Somaliland.

Dhinaca Somaliland oo ay labo wasiir wadahadalka u matalayeen ayaan wali si rasmi ah uga hadlin arrimaha wadahadalka Khaatumo.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa wadahadallo hordhac ah ku yeeshay magaalada Caynaba ee gobolka Sool wasiirro ka kala tisan labada maamul ee Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo ka wadahadalay arrimo ay ka mid yihiin nabadgalyada iyo xallinta degaanno lagu muransanaa oo dhibaatooyin qabiil ka taagnaa.

Goobjoog News