U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Farriin u Direy Saraakiishii Hore Ee Ciidanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay xarigga ka jarayey Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa farriin u direy saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtogeliyey in xarunta ciidanka cirka dib loo howlgeliyo ku na dhiirigeliyey ciidanka in la siijoogteeyo dib-uhabeynta hay’adaha Amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “Waxaansigaar ah ugu mahadcelinayaa Taliyaha Ciidanka Cirka iyo dhammaan dadkii u istaagay dib u howlgelinta xaruntan muhiimka ah oo leh taariikhiyo facweyn, bacdamaa ayaa aheyd xaruntii ugu horreysey ee ciidanka Qalabka sida lagu aasaasay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay dhismaha hay’adaha dowliga ah sinidaamka dowliga ah uga hirgalo dhammaan dalka oo dhan.

“Dhismaha hay’adaha Dowliga ah waa aasaaska dowladnimo waxaana siinay ahmiyad gaar ah si howlaha muhiimka ah ee dowladda loogu helo xafiisyadiiiyo goobahii ay ka fulilahaayeen. Tani waxey noosahleysaa in Ciidanka Cirka ay manta leeyihiin xarun casri ah oo leh adeegyadii muhiimka u ahaa inay ciidankan ku howlgalaan.

Bacdamaa aan mudnaan gaar ah siinay amniga waxaan u guntanay sidii dhammaan hay’adaha amniga ay u heli lahaayeen xarumo iyo xafiisyo ay kugutaan waajibaadkooda qaran.”

“Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo dhammaan Saraakiishii hore ee Soomaaliya waa inay qoraan taariikhdii uu lahaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo mar ahaa geesiyaasha Afrika, kana qeybqaatay ka xorreyntii gumeystaha ee dalal badan oo Afrika ah.

Sidoo kale ciidanku waxuu dalalka Afrika qaarka mid ah ugu tagijiray nabad-ilaalin, dhexdhexaad in iyo inuusiiyo tababaro heer sare ah. Sidaas daraadeed, jiilka cusub iyo kuwa ka danbeeya waa in loo qoraa taariikhdaassi ay ugufaanaandalkooda, ciidankooda iyo qaranimadooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeybqaatay dib u dayactirka xaruntaCiidamada Cirka, waxa uunaTaliska Ciidamada Cirka kuladar-daarmay in ay dardargaliyaan howlaha baaxaddaleh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samatabixiyo dhibaatada mudadadheer soo jiitameysay.

Dhammaad—