U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaba Gabeeyay Socdaal Uu Ku Marayay Deegaano Ka Mid Ah Maamulkaasi (War-saxaafadeed iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo geba gebeeyey Safar shaqo oo uu ka tagay Gobolada Barri iyo Karkaar dibna ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe .

Madaxweyne Gaas ayaa subaxnimadii hore ee shalay inta uusan ka soo ambabixin magaalada Boosaaso kormeer shaqo ku tegey Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso isagoona kormeeray xafisyada ay ku shaqeeyaan Wasaarada DekedahaGgaadiidka Badda iyo sidookale Wasaarada Maaliyada Puntland, waxana uu Madaxweyne Gaas soo  indha indheeyey habsami usocdka shaqada ee wasaaradahaasi welibana kula dardaarmay inay dardargeliyaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey ayaa ku hakaday magaalada qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaaso oo uu madaxweynuhu tababar ugu furay qaar kamid ah ciidanka Booliska qeybihiisa kala duwan oo tababar loogu qabanayo magaalada Qardho ku waasi oo laga kala keenay guud ahaan Gobolada Puntland.

Gaas iyo wafdiga balaarnaa ee uu hogaaminayey ayaa sidoo kale ku soo hakaday deegaanka Xaajio khayr, halkaasoo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen dadweyne aad ufara badan  oo ay horkacayeen waxgaradka  ku dhaqan deegaankaasi kuwaasi oo ruxayey calanka Puntland iyo Caleemo qoyan.

Dadweynaha deegaanka xaaj Khayr ayaa  Madaxweynaha ku soo dhaweeyey gacmo furan waxana ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen ”Mudane Madaxweyne Soo dhawoow waa lagu sugaayey saadaalinayey iyo ereyo kale oo soo dhaweyn ah.

Soo dhaweynta Deegaanka Xaaji Khayr kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas kulan gaara uu laqaatay odayaasha deegaankaasi, kulankaas oo ahaa  mid ay kaga xogwarameen xaalada guud ee Deegaanka Xaaji kheyr iyagoona sidookale sheegay in deegaanku yahay mid nabad ah dadaalna ugu jiraan sidii ay u hormarin lahaayen.

”Dangoranyo markaan imi laba waxyaalood ayaa iga codsateen oo ah iskuul iyo saldhig waxaan filaya hada labadiiba diyaar ayey idiin yihiin wixii kalana waayi maaysaan”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Boosaaso oo katirsan Gobolka Barri ahna xarunta Ganacsiga Puntland , waxaana uu ku guulaystay dhagax dhiga Gagaroonka diyaaradaha Boosaaso oo hada si toos ah loo bilaabay shaqadiisa iyo sidoo kale ukuur gelida habsami u socodka shaqo ee xarumaha Dawladda ee Gobolka Barri.

-DHAMMAAD-

09

08

7

6

3

5

2

1

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.