U bood dhigaalka

Madaxweynaha S/Afrika Oo Sheegay In Wada Shaqeyn Dhow Uu La Yeelanayo Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib guushii uu ka gaarey doorashadii dalka ka dhacday 8-dii bishan.

Madaxweyne Zuma ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii la tartamay Madaxweyne Farmaajo, oo uu tilmaamay iney muujiyeen hab dimoqraadiyadnimo ah.

Zuma ayaa sheegay in wada shaqeyn dhow uu la yeelan doon Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo ku aadan xoojinta xiriirka Labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya Iyo South Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sheegay in doorashadan oo si Dimuqraadiyad ah u dhacday ay timid xilli Soomaaliya ay wajaheysay weeraro kaga yimaada Al-shabaab iyo eedeynta musuqa.

“Wanaa aad u bogaadinayaa dhammaan musharraxiintii kale ee ka qeyhgalay tartanka kuwaas oo islamarkiiba aqbalay natiijada doorashada, taas oo tusineysa ka go’naanshiyaha iney raacaan habka dimoraadiyadnimada xilli ay Soomaaliya wajaheysay deganaanshiyo la’aan dhanka amniga ah”

Dalal badan oo caalamka ah ayaa hambalyo kala duwan usoo direy madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo 8-dii bishan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Goobjoog News