U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Iyo Guddoomiye Cirro Oo Ku Kulmay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta kulan ku wada qaatay qasriga madaxtooyada Somaliland, kulankaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay ee dhex mara madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani tan iyo markii lagu dhowaaqay natiijada doorashadii dhacday 13-kii bishii November ee Sanadkan.

Xisbiga Waddani ayaan isagu ka qayb-galin caleemo-saarkii madaxweyne Biixi oo 13-kii bishan lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana kulanka maanta dhex-maray madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro lagu sheegay mid ku aadanaa sidii la isugu laab xaaran lahaa xanaftii doorashada taasi oo uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye.

Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee xisbiga Waddani iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa warbaahinta uga warramay ujeedka kulankan.

Waxay sheegeen in kulankaan ahaa mid muhiim ah, islamarkaana looga wadahadlay sidii arrimaha Somaliland looga wada shaqeyn lahaa.

Goobjoog News