U bood dhigaalka

Madaxweynaha Sudan Oo Ka Baaqday Shir Madaxeedka Riyadh

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-bashiir ayaa sheegay in uusan ka qeyb geli doonin shir madaxeedka wadamada Islaamka kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Riyadh ee caasimadda waddanka Sacuudiga.

Shirkaani ayaa waxaa lagu casuumay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo la kulmi doono madaxda wadamada Islaamka iyo kuwa Carabta.

Madaxweyne Cumar Al-bashiir ayaa sheegay in uusan shirka kasoo qeyb gali doonin sababo isaga u gaar ah oo uu sheegay inay jiraan .

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Suudaan Al-bashiir ayuu uga cudur daartay boqor Salmaan in uusan ka soo qeyb gali karin shirmadaxeedka, balse faahfaahin dheer kama uusan bixin sababta uu uga soo qeybgali waayay.

Shirka ayaa waxa u mati doono Cumar Al-bashiir Daaha Xuseen oo ah wasiiru dowlaha .

Waxaa la sheegaa in Al-bashiir ay doon dooneyso maxkamadda dembiyada caalamiga ah iyadoo ku eedeyneysa inuu  dambiyo dagaal uu ka geestay gobolka Daafuur.

Shirmadaxeedka maanta ka furmayo magaalada Riyaadh ee caasimadda Sacuudiga ayaa waxaa ka soo qeyb galaya in ka badan 50 hogaamiye oo kakala socda wadamada Islaamka iyo kuwa carabta.

Waxaana lagu wadaa in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu khudbad uu ka jeediyo taasi oo uu uga hadlayo aragtida wanaagsan uu islaamka ka qabo .

Sacuudiga ayaa noqday waddankii ugu horreeyay oo uu booqdo madaxweyne Trump waxaana la filayaa inuu sacuudiga uga sii gudbo  Israaiil Daarta Galbeef iyo Yurub.

Goobjoog News