U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Codsaday Baarlamaanka Federaalka Ansixinta Ra’iisul Wasaarihiisa Cusub

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo gelinkii hore ee saakay soo magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa ayaa ugu baaqay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iney codka kalsoonioda ah siiyaan Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Mudane Xasan Cali Kheyre u arko shaqsi isaga la shaqeyn karan, fulin kara qorshihiisa shaqo, sidoo kalena ay wada shaqeyn karaan si shacabka Soomaaliyeed wax loogu qabto.

Waxa uu tilmaamay in haddii ay ansixiyaan baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha cusub in sidoo kale Ra’iisul wasaaraha laga doonayo isna in 15 cisho gudahooda kusoo magacaabo wasiiradiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marnaba aanu u dulqaadan karin waqti kale oo Soomaaliya ka luma, islamarkaana uu doonayo in howlaha shaqo ee horyaalla loo wajaho si degdeg ah.

“Waxaan ka codsanayaa golaha shacabka ineyansixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan Ra’iisul wasaaraha si uu u guto waajibaadkiisa, waxaan haystay 30 cisho, maanta waxay ahayd maalintii 16-aad, ma doonayo in dalka waqti dambe ka khasaaro, isna waxaan ku boorinayaa in uu xukuumaddiisa kusoo dhiso muddo 15 cisho ah” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Baarlamaanka Federaalka ah ayaa codka kalsoonida ah u qaadi doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News