U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya Dhiggiisa Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo booqasho rasmi ah, islamarkaana qaadan doonta Saddex maalin uga bilaabatay dalka Kenya, ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaasi uu ka dhici doonaa magaalada Nairobi.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doono arrimo la xiriira Labada dal, waxaana waxyaabaha ay isku soo hadalqaadi doonaan kamid ah amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 25-ka bishan waxa uu ka qeybgali doonaa shirka madaxda IGAD oo ka furmi doona magaalada Nairobi, kaasi oo arrimo badan lagu falanqeyn doono.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo waxay gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News