U bood dhigaalka

Madaxweyne Trump oo Bilaabay Tirtiradda Raadadkii Obama

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey ka bilaabay tirtiradda raadadkii madaxweyne Obama uu kaga tagay dalka Mareykanka.

Trump ayaa Jimcihii saxiisay islamarkii uu lugta saaray Guriga Cad ee Mareykanka looga arrimiyo xeer Madaxweyne oo ka dhan ah Caymiska Caafimaadka ee loo yaaqaanno “Obama Care”, kaas oo uu horey ugu ballan qaaday xilligii ol’olaha doorasho inuu laalayo, waana sida uu bartiisa Twitterka ku shaaciyay afhayeen u hadlay Trump oo la yiraado Sean Spicer.

Spicer ayaa sharraxay in xeerkani yahay mid lagu fududaynayo culeyska maaliyadeed ee sharcigani uu wato, ka hor inta aan gabi ahaanba la laalin.

Shirciga caafimaadka ee “Obama Care” ayaa dhiliillo xoogan kala kulmayay dhanka xisbiga Jamhuuriga oo ballan ku qaaday iney gabi ahaanba laali doonaan, waxayna aaminsanyihiin inuu yahay howl qabadkii ugu xumaa ee madaxweyn Obama.

Trump ayaa ku amray xubnaha cusub ee maamulkiisa iney adeegsadaan awood kasta oo ay heli karaan si meesha looga saaro sharcigan, ka hor inta aanuu u codeyn Congress-ka oo aqlabiyad ballaaran ay ku leeyihiin xisbiga Jamhuuriga.

Xoghaya guud ee Aqalka Cad Reince Priebus ayaa saxiixay warqad lagu dalbanayo in la hakiyo dhamaan shuruucda dalka Mareykanka ee federaalka ah inta ay howlahooda shaqo ay la wareegayaan wasiirrada cusub ee uu magacaabay Trump.

Turmp ayaa u muuqda inuu tirtirayo raadadkii madaxweyne Obama uu kaga tagay dalka Mareykanka inta uu hayay xilka madaxtinimo ee maalinimadii shalay uu sida rasmiga ah uga dagay.

Goobjoog News