U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Nigeria (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ee uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo dhiira-gelinta maalgashiga ayaa soo gaaray magaaladda Abuuja ee Caasimaddda dalka Nigeria .

Madax ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Abuuja. Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah ka qeyb geli doona caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkan Nigeria Muhammadu Buhari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Nigeria kulamo la qaadan doono madax kala duwan oo iyaguna ka qeyb galaya Caleema-saarka Madaxweyne Muhammadu Buhari.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

X7 X6 X5 X4 X3 X2 X1