U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Waddoyinka Xiran Ee Muqdisho, Shirka IGAD Iyo Kan u Socda Madasha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku  aadan sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho, shirka dhowaan ay madaxda IGAD ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho iyo halka uu marayo shirka u socda hoggaanka madasha Wadatashiga qaran.

Waxa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho loo xiray arrimo la xiriira amniga maadaama magaalada uu ka dhici doono shirka madaxda IGAD.

Shirka madaxda IGAD ee Muqdisho lagu qabanayo wuxuu sheegay inuu yahay mid muujinaya in Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso horumaro badan.

“Sida aad ula socotaan waxaa inagu soo socdo shir aad iyo aad muhiim u ah oo ah in magaalada Muqdisho ay ku shirayaan madaxda IGAD, arrintaasi waa mid weyn, waa markii ugu horreysay taariikhda urur goboleedka IGAD ku shiraan magaalada Muqdisho heer madaxweyne, horay waxaa ugu shiray magaalada wasiirada arrimaha dibadda, markaanna waxaa isku imaanaya madaxda dalalka xubnaha ka ah IGAD, cadow badan oo dhib badan baan leenahay, sidaa darteed amniga Muqdisho dowladda aad bay u adkeysay iyadoo kaashaneysa ciidamada AMISOM, amnigaasi la adkeeyay waan garan karnaa dadka Soomaaliyeed culeysyo dheeri ah ayuu  ku keeni karaa nolosha, isku socodkii iyo dhaqdhaqaaqii iyadoo waliba xilli aad iyo aad u muhiim ah tahay xilli Ciid ah oo maalmihii farxadda lagu jiro, hadane waqtiga wuu isku soo aaday shirkaan waqti fog baa la qorsheeyay shirka IGAD”

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsaneynaa inay nala fahmaan duruufaha gaarka ah ee aan ku jirno, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamada amniga iyo xafiisyada kala duwan ee dowladda inta shirkaasi uu socdo, muddo kooban waaye, caalamkana wey ka jirtaa in la adkeeyo ammaanka, adkeynta ammaanka mar walbo nolosha muwaadinka waxbay ka bedalee, waxaa laga yaabaa dadka qaar in culeysyo u keento dhaq dhaqaaqaasi yaraaday, waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka codsado uguna baaqo in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrintaasi amniga maalmaha soo socda, waa horumar weyn oo dalkeenna ku tallaabsaday umaddeena gaartayin shirar caalami ah caasimaddeena lagu qabto, wixii ka dambeeyana shirar kale oo waaweyn oo caalami ah ayaa soo kordhi doono”

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday shirka madasha Wadatashiga qaran ee ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu marayo gebogebo islamarkaana go’aanno laga soo saari doono.

“Shirkii madasha waa socdaa meelihii ugu dambeeyay ayuu marayaa waxaa kasoo bixi doona go’aanno kale oo horay loogu sii qaadayo arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha amniga guud ahaan ee dalka, Soomaaliya wey dhaqaaqday inta shakiga iyo cabsida qabto waxaan leenahay soo raaca dadkiina iyo dowladdiina” ayuu yiri madaxweynaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood kuwaa oo loo diidayo iney maraan gaadiidka dadweynaha.

Goobjoog News