Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalaya Shirweynaha 70-aad Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqasho Seddex maalmood ah ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York ka qeybgeli doona furitaanka doodaha Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo dhacaya maalinta berri ah ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Goobjoog News

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW