U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta u Amba Baxay Dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona shir madaxeedka wadamada ku bahoobay IGAD kaasi oo ka furmi doona magaaladaasi.

Shirka IGAD ayaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan wadamada ka tirsan IGAD oo Soomaaliya ay ku jirto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News