U bood dhigaalka

Maraakiib Dagaal Oo Duqeynaya Degmada Qandala

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan  in maraakiib dagaal oo loo maleynayo iney leeyihiin ciidanka NATO ay duqeyn dhanka badda kaga soo bilaabeen degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasi oo dhowaan ay qabsadeen dagaalyahanno Daacish ka tirsan.

Dad ku dhow degmada Qandala ayaa inoo sheegay in la maqlayo daryanka madaafiicda kusoo dhaceysa degmadaasi, sidoo kalena waxaa halkaasi la sheegayaa in kooxda Daacish ay ka tuurayaan mararka qaar madaafiic u muuqata Jawaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee waxay tani imaaneysaa xilli habeenkii xalay ahaa diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen degmada Qandala.

Dhanka kale ciidamada maamulka Puntland ayaa kaabiga ku haya degmada Qandala, si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada sheegtay iney Daacish yihiin.

Degmada Qandala waxaa ka barakacay inta badan shacabkii halkaasi deganaa, kadib markii ay ka baqeen in dushooda dagaallo ay ka dhacaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News