U bood dhigaalka

Mareykanka oo Sanadkan 34 Jeer Duqeeyay Gudaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhigay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaliya kaas oo bar-tilmaameedka yahay xarakada Al-shabaab.

Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqeeyaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof.

Bishii March ee sanadkan wixii ka dambeeyay, maamulka cusub ee Trump waxaa uu ogolaaday in  la bar-tilmaameedsan karo meelaha ay rayidka joogaan.

Mareykanka waxaa ay sidoo kale, duqeymo ka sameeyaan gudaha Yemen, taasi oo xoogeysatay sida uu madax u noqday Trump.

Sanadkan keliya waxaa lagu qiyaasay duqeymaha Mareykanka in ka badan 127, waa inta u dhaxeysay January illaa December 2017.

Goobjoog News