U bood dhigaalka

Markab u Raran WFP Oo Ku Cilladoobay Degmada Xaafuun, Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in meel u dhow xeebta degmadaasi ku cilladoobay markab raashiin ah oo u raran hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Markabkaan oo shidaal kasoo qaatay dekadda Boosaaso, islamarkaana la sheegay in dhanka Gobollada Koonfureed ee dalka kusoo wajahanaa ayaa waxaa cillad ka gashay dhanka Matoorkii.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Xaafuun ee gobolka Bari Maxamed Muuse C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in markii lagu soo wargeliyey cilladda soo wajahday markabkaan ay sameeyeen dadaal walbo oo loogu gurman karo, balse taasi aanay suurtagal noqon badda oo aad u kacsan awgeed.

“15-kii bishan baa nalaga soo wacay Boosaaso, waxaa naloo sheegay in markabkaasi halkaa ku xunyahay, meel 3 Mile inoo jirta, inaan u tagno baan isku daynay laakiin waa iney suurtogeli weysay, Matoorkii baa ka xumaaday, sida ay inoo sheegeen Injinreeka Markabka iyo Kabtanka, wuxuu ka yimid Cadan, shidaal buu kasoo qaatay Boosaaso, wuxuuna ku wajahnaa Koonfur, waxaa naloo sheegay kaliya in WFP u raran yahay, badda ayaa aad u kacsan, weli waxbo inooma suurtagelin, laakiinse dadaal baan wadnaa, Xeebta 3 Mile ayuu u jiraa, dabaysha wuu iska celin la yahay, waa nasiib in dabeysho degto, qatar aad u adag baa kusoo fool leh markabkaasi, waxaan isku dayeeynaa inaan gurmad u sameynno, ciidamada meesha joogana wey dadaalayaan laakiinse baddii baa kacsan oo ina hortaagan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Illaa hadda lama oga inta Tan ee raashiin ah ee uu wado Markabkaan, balse waxaa soconaya dadaallo ay wadaan maamulka degmada Xaafuun oo ay ku doonayaan in Markabkaan iyo dadka saaran loogu gurmado.

Goobjoog News