U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riddey Saddex Qof

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Axad ah waxay xukun ku riddey Saddex qof oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan, maxkamaduna ay sheegtay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab.

Ragga xukunka lagu ridey ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed C/raxmaan Maxamuud oo 30 sano jir ah, waxaana lagu eedeeyay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada, ahaana macalin bara sameynta qaraxyada Labada ruux kale ee lala xukumay, waxaana isaga lagu xukumay xabsi daa’in.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa xukuntay Jamaal Maxamed Cali iyo Axmed Aadan kuwaasi oo ku  eedeysnaa iney Al-shabaab u qaabilsanaayeen sameynta qaraxyada, waxaana Labadooda lagu kala xukumay min 10 sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur oo xukunka ku dhowaaqay ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi u furan tahay racfaan qaadasho.

Goobjoog News