U bood dhigaalka

Maxkamadda ICJ Oo Go’aamisey In Horey Loo Sii Wadi Karo Dacwadda Badda

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dacwadii ay la gashay Kenya ee ku saabsanaa arrimaha badda ee la horgeeyay ICJ, waxaana la diidey dhamaan codsiyadii Kenya ee ay ku diidaneed in dacwada badad lagu qaado maxkamadda ICJ

Maxkamadda Cadliga Adduunka ICJ ayaa diidey dacwadihii Kenya iyadoo ogolaatey in dacwada muranka la sii wadi karo, laguna qaadi karo Maxkamadda ICJ.

Guusha wejigan ee Soomaaliya ayaa timid kadib markii September sanadkii tagey ay maxkamadda  dhageystay dacwad ay labada dal geeyeen taas oo laga sugayey in dacwada muranka ay maxakamadda qaado iyo in kale.

Maxkamadda oo u codeysay dacwada Soomaaliya waxaa ay heshay 13 cod halka Kenay ay heshay 2 cod, waxaana looga adkaadey si aqlabiyad ah.

Wax Ka Baro Maxkamadda:

International Court of Justice(ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka, maxkamaddan  waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah.

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Ronny Abraham halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

Goobjoog News