U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukunno Kala Duwan Riday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukunno kala duwan ku riday Afar qof oo horay loo soo xukumay balse Racfaan ka qaatay.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa xukunkaasi ku dhawaaqay.

Cabaas Xasan Maxamed ayaa maxkamadda Darajada Koowaad waxa ay horay ugu xukuntay 10-sano oo xabsi ah, balse racfaan ayuu ka qaatay, waxaana maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida ay dib ugu xukuntay 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuntay Mustaf Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Jicmaale Muuse oo horay loogu xumay 10-sano Xabsi ah, waxaana lagu waayay marqaati ku cadeeya dambiyadii lagu soo eedeeyay, iyadoo lagu xukumay min 6-bil oo xabsiga loogu haayo qaab dhaqan celin ah.

Ugu dambeyn ayaa maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida waxa ay ammar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo Shaafici Xasan Maxamed oo 15-sano jir ah, ka dib markii la waayay marqaati cadeeya dambiga lagu soo eedeeyay, iyadoo horay maxkamadda Darajada Koowaad ay ugu soo xukuntay 10 Sano oo xabsi ah.

Goobjoog News