U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare oo Laashay 8 kamid ah 11-kii Kursi ee Horey U Laaleen Guddiga Xalinta Khilaafadka

Sheeko:Dalka

Dacwo socotay in kabadan 5 bilood ayay Maxkamadda Sare ee Dalka waxay 16 May 2017 baabisay go’aankii Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafadka horey u laaleen.

Maxkamada waxay taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, doorasho xalaal ah lagu celiyo. Maxkamada waxay amraysaa in dib loogu tartamo kuraastaa.

8 kuraas ee la’laay waxaa hadda ku fadhiya:

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir 2. Maxamed Saciid Cabdullahi 3. Maxamed Axmed Abdtidoon 4. Nadif Aadan Isaaq 5. Muna Khalif Sheekh Abu 6. Cabdicasis Salax Carmaan 7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale 8. Samra Ibrahim Cumar

Dhibanayaasha dacwada loo xugmay waxay kala yihiin:

1. Muumino Sheekh Cumar 2. Aadan Maxamed Cali 3. Khaalid Cumar Cali 4. Maxamed Mukhtar Ibrahim 5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali 6. Malaaq Sidow Maadow 7. Ibrahim Saalax Dayfullah 8. Caasho Xaaji Cilmi

Maxkamadda Sare oo laashay 8 kuraas Barlamaanka Federaalka-1 (1)