U bood dhigaalka

Maxkamdda Wareegta Oo Laga Hirgelinayo Degmooyinka Iyo Deegaannada Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka soconaya qorshe ballaaran oo ku aadan sidii deegaannadaasi looga hirgelin lahaa Maxkamadda Wareegta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Shabellaha Dhexe Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maxkamadda wareegta ay shaqo billaabi doonto, sababtuna wuxuu ku sheegay in muhiim ay tahay in shacabka meel walbo oo ay joogaan cadaaladda ku helaan.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in maxkamadda wareegta shaqooyinka ugu horreeya ay ka billaabi doonto degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

“Annaga hadda waxaan ku sugannahay degmada Balcad, waxaan rabnaa in maxkamadda wareegto laga hirgeliyo, dhammaan deegaannada sidan oo kale ay u shaqeeyaan, waxaan diyaarineynaa dadkii la shaqeyn lahaa maxkamadda, dowladda ayaa go’aansatay in  dadka meesha ay joogaan caddaalan ku helaan, sababtoo ah haddii dadka la dhaho imaada Jowhar qarash badan baa ka baxaya iyo waqti, sidaa darteed waa in meeshooda cadaaladda ku helaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Inta badan maxkamadaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku mashquulsan xallinta dacwado la xiriira dhulalka.

Maxkamadda wareegta ayaa dacwadda ku qaadi doonta degmada, deegaanka ama Tuulada dacwadda ay ka jirto.

Goobjoog News