U bood dhigaalka

Meydka Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji Oo Maanta Lagu Aasayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso meydka Allaha u naxariistee wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo gelinkii dambe ee shalay rag hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wariyahan ayaa ka howlgeli jiray Idaacadda Shabelle, waxaana markii la dilayey la sheegay inuu ku wajahnaa hoygiisa ku yaalla Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Raggii dilka ka dambeeyay oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo ururada saxaafadda ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka loo geystay Wariye Xaaji, waxaana tani ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ay la kulmaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wariye Xaaji ayaa noqonaya Wariyihii Labaad ee lagu dilo magaalada Muqdisho sanadkaan 2016.

Goobjoog News