U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Raggii Weerarka Ka Geystay Paris Oo Lagu Qabtay Dalka Belgium

Sheeko:Dalka

Shaqsi ka mid ah koox la aaminsanyahay in ay ka dambeeyeen weerarkii Paris lagu qaaday ayaa isaga oo dhaawac ah gacanta lagu soo dhigay kadib iska hor imaad dhexmaray Police-ka dalka Belgium-ka iyo  rag hubeysan.

Salah Abdeslam ayaa dhuumasho ku jiray mudo Afar Bil ah weerarkii Paris kadib iyadoo intaasna la baadi goobayey.

Salah Abdeslam ayaa ah ninka loogu doonista badanyhay qaaradda  Yurub kadib markii la helay xogo badan oo muujinaya in uu gacan libaax ka geystay weerarkii dhiigga badani uu ku daatay ee ka dhacay Maqaaxiyo iyo gooba kale oo lagu caweeyo.

Poliska Brussels ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay Monir Ahmed Alaaj oo ka mid ahaa dadka la doon doonayey.

Waxaa  sidoo kale la soo xiray qoys Saddex ruux ka kooban oo lagu eedeyey in ay martigaliyeen ragga la soo qabtay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in uu filayo in Salah Abdeslam loo soo dhaadhiciyo Faransiiska sida ugu dhaqsiyaha badan si loo maxkamadeeyo.

Howlgalka lagu soo qabtay Salah Abdeslam ayaa ka dhacay degmadda Molenbeek kadib markii la helay astaamo muujinaya in uu halkaa ku noolaa, taaas oo laga ogaaday xaafad kale oo ay Polisku weerareen Taladadii lasoo dhaafay.

Abdeslam,  oo baxasad ahaa tan iyo 13 November, waxaa laga dhaawacay lugta xili uu isku dayeyey in uu baxsado.

Salah Abdeslam oo ah qofka loogu shakiga badanyahay in uu ka dambeeyey dilka 130 oo reer yurub u badan waxa uu wajahayaa cadaaladda reer galbeedka.

Goobjoog News