Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Caziz Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goordhow is-casilay ka hor inta aanu isku diiwaan-gelin u tartamidda jagada guddoomiyaha golaha shacabka.
C/caziz Xasan Maxamed (Lafta Gareen) waxaa uu sheegay in go’aankan uu qaatay si uu uga hoggaansamo shuruudda guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta.
Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada  ayaa la faray  inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.
C/caziz Xasan Maxamed (Lafta Gareen) waxaa uu ugu dambeyntii u mahadceliyay ra’isul wasaare Kheyre uu muddo sanad ka badan gacan yare u ahaa.
Goobjoog News