U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Wafdigii Axmed Madoobe Ku Qanciyey Ka Qeybgalka Shirka Brussels

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow ay Goobjoog News, ka heshay xarunta uu ka soconayo shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada Brussels ayaa waxay sheegayaan in midowga Yurub ay ku guuleysteen qancinta wafdiga Jubbaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe, kadib markii ay saakay diideen iney ka qeybgalaan furitaanka shirkan.

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa hadda galay hoolka shirka uu ka furmayo, iyaga oo fariistay halkii loogu talogalay.

Wafdiga Jubbaland ayaa ku andacoonayey in wax laga bedlay ajendahii shirka iyo sidoo kale la is dabamariyey nidaamka habmaamuuska.

Mas’uuliyiin ka socotay midowga Yurub ayaa ugu dambeyn ku qanciyey wafdiga Jubbaland in shirkan ay ka qeybgalaan islamarkaana muhiim u yihiin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News