U bood dhigaalka

Minnesota: 4 Soomaali Ah Oo Qarka U Saaran In Lagala Laabto Dhalashada Mareykanka Iyo Xuquuqda

Sheeko:Dalka

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa baaritaan ku bilowday isniintii 4 Soomaali ah oo aha reer Minnesota looga laaban lahaa dhalashada Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay  in ay isticmaaleen  warqado aqoonsi oo been-abuur ah 10 sano ka hor.

Eedeynta waxaa loo gudbiyay xafiiska waaxda cadaaladda Mareykanka ee magaalada Washington, D.C., dadka la eedeeyay waxaa magacyadooda lagu sheegay Fowsiyo Cabdi Adan, Axmed Maxamed Warsame, Mustaf Cabdi Adan iyo Feysal Jaamac Mire, qoyskan oo loogu magac-daray qoyskii nuclear-ka waxaa lagu eedeeyay in ay fiiso been ah ku soo galeen Mareykanka

Fowsiyo Adan ayaa la sheegayaa in ay sheegtay Axmed Maxamed Warsame uu ninkeeda yahay halka Mustaf oo 33 jir ah iyo Feysal oo 31 jir ay ku sheegtay caruurteeda, muddo kadib ayey iska furtay Warsame kadibna mid waliba gees ayuu Mareykanka ka dagay.

Eedeynta waxaa kale oo jirta in Fowsiya iyo labada wiil ay sheegtay in ay caruurteeda yihiin la ogaaday in ay ilmo-adeer la yihiin Warsame, oo anaey waxba ka jirin qaabka ay fiisaha ku heleen.

Fowsiyo waxaa lagu eedeeyay in ay tahay dadka wax tahriibiya, mid walba oo afartooda ka tirsan waxaa ay weyn-doonaan dhalashada iyo dhammaan xuquuqda ay Mareykanka ku leeyihiin.

Goobjoog News