U bood dhigaalka

Mucaaradka Kenya Oo Ka Walaacsan Amni Darada Gobolka Waqooyi Bari

Sheeko:Dalka

Xubno ka tirsan mucaaradka dalka Kenya ayaa si kulul waxay uga hadleen amni darada ka jirta deegaanno ka mid ah gobolka Waqooyi bari, iyaga oao ku baaqay in degdeg arrinkaasi wax looga qabto.

Xildhibaannada mucaaradka ah ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku xoogeysteen gobolkaasi, waxayna sheegeen in maalin walbo ay dilal iyo weeraro qorsheysan ka geystaan gobolka Waqooyi Bari.

Weerarkii ka dhacay shalay deegaanka Diif ee gobolka Waqooyi Bari ayeey Xildhibaannadan ku sheegeen inay tahay habacsanaan dhanka ciidanka Kenya ah.

Dowladda uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta ayeey ugu baaqeen in degdeg ay kula timaado isbedal amni iyo in lasoo Afjaro Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah Kenya, waxayna shalay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Diif ee gobolka Waqooyi Bari halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Goobjoog News