Muhaajiriin Ku Go’doonsan Dalka Liibiya
Sheeko:Dalka
Labo hay’adood oo raacsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay isku dayayaan iney kaalmooyin gaarsiiyaan tiro badan oo muhaajiriin ah kuwaas oo dhibaato ku heysato magaalada Sabrah ee dalka Liibiya.
Magaaladaan ayaa waxaa ka socday maalmihii u dambeeyay dagaallo u dhaxeeya kooxo isku haya gacan ku heynta magaalada waxaana lagu tiriyaa magaaladaan inay tahay xarunta laga tahriibiyo dadka.
Magaalada Sabraha ayaa waxaa la cadeeyey in ku dhawaad 1700 oo qof muhaajiriin ah ay ku suganyihiin magaaladaasi kuwaasi oo u baahan kaalmooyin bani’aadanimo.
Wasaaradda Caafimaadka liibiya ayaa sheegtay in dagaaladii ka dhacay Sabraha ay ku dhinteen 43 qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 340 kale.